Kulamada Euro 2020 Ee Maanta La Ciyaari Doono

Waxa caawa si Rasmi ah loo soo afjari doonaa wareega 8 dhamaadka tartanka Euro 2020 iyada oo ay 4 kooxood ku kala bixi doonaan labada boos ee ka hadhay wareega 4 dhamaadka tartanka Euro 2020.

Waxa haatanba la ogaaday xulalka iska xaadiriyay Semi-final-ka ama 4 dhamaadka tartanka Euro 2020 waxana caawa la ogaan doonaa labada xul ee iska xaadiriya wareegaas kuna biira xulalka Spain iyo Italy.

Kulanka 7:00 Fiidnimo soo gali doona ayaa ah kulanka ay wada ciyaari doonaan xulalka Czech Republic iyo Denmark kuwaas oo ah xulalka ilaa haatan lama filaanka ku noqday tartanka marka loo eego qaab ciyaareedkooda.

Labada xul ayaa isha ku haya in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka tartanka siina wataan riyadooda Euro 2020 waxana ay labadooduba kulanka u soo gali doonaan sidii ay guul u gaadhi lahaayeen.

Kulanka kale ayaa ah kulan adag oo ay wada ciyaari doonaan xulalka Ukraine iyo England soona gali doona 10:00 Habeenimo waana kulan si gaar ah isha loogu hayo oo labada xul doonayaan in ay iska xaadiriyaan Semi-final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*