Kulamada Euro 2020 Ee Maanta La Ciyaari Doono

Waxa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona wareega 8 Dhamaadka tartanka Euro 2020 kaas oo la ciyaari doono 2 kulan isla markaasna la ogaan doono labada xul ee ugu horeeya ee iska xaadiriya Semi-final-ka tartanka.

Xulka Spain ayaa la ciyaari doona xulka Switzerland kulan soo dhici doona 7:00 Fiidnimo ee wakhtiga Somaliya iyada oo labada xul isha ku hayaan iska xaadirinta wareega Semi-final-ka.

Xulka Spain ayaa kulanka soo galaya iyaga oo kalsooni buuxa kadib qaab ciyaareedkii kulamadii ugu dambeeyay ee ay waliba goolasha badan ku dhaliyeen.

Dhanka kale xulka Switzerland ayaa kulanka soo galaya isaga oo doonaya in uu lama filaan kale qarxiyo kadib markii uu xulka France ka reebay tartanka.

Kulanka kale ayaa ah mid xiiso leh maadama ay isaga hor iman doonaan laba xul oo loo saadalinayo ku guulaysiga tartanka waana kulanka dhexmari doona xulalka Italy iyo Belguim kaas oo soo gali doona 10:00 Habeenimo.

Kulankan ayaa si gaar ah isha loogu hayaa maadama labada xul lagu tiriyo xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga tartanka Euro 2020 ee sanadkan kadib qaab ciyaareedkooda ilaa haatan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*