Kulamada Euro 2020 Ee Caawa La Ciyaari Doono, France Vs Portugal Ayaa Fooda Is Dari Doona.

Waxa maanta si Rasmi ah loo soo afjari doonaa wareega Group-yada tartanka Euro 2020 iyada oo la ciyaari doono 4 kulan oo 2 Group ah si loo ogaado xulalka iska xaadirinaya wareega xiga.

Kulamada maanta la ciyaari doono ayaa soo kala gali doona 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya iyo 10:00 Habeenimo wakhtiga Somaliya waana kulamo adag dhamaantood marka la eego in aan lau kala bixin Group-yada.

Wali ma jirto koox xaqiiqsatay booskooda wareega xiga dhamaan xulalka labada Group ku jira ayaa fursad u haysta in ay iska xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka Euro 2020.

Hadii aynu ku horayno Group-ka E oo ay ku wada jiraan xulalka Slovakia Vs Spain iyo Sweden Vs Poland kuwaas oo sidaas u wada ciyaari doona waxa ay soo gali doonaan 7:00 Fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Group-ka F ee ugu dambeeya ayuu kulanka ugu xiisaha badan ka iman doonaa iyada oo ay wada ciyaari doonaan xulalka Portugal Vs France halka uu Germany la ciyaari doono xulka yar ee wacdaraha dhigaya ee Hungary.

Sii Akhriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*