Kulamada Ay Raphael Varane & Harry Maguire Ka Maqnaan Doonaan Man United Oo La Ogaaday.

Man United ayaa wajahaysa kulamo adag oo ay waayi doonto labada xiddig ee Raphael Varane & Harry Maguire sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay labada xiddig.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United ciyaari doonto 6 kulan oo ay ka maqnaan doonaan xiddigaha Raphael Varane & Harry Maguire kadib markii ay dhaawacyo soo gaadheen.

Varane ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa France waxana ay Man United xaqiijisay in uu garoomada ka amqnaan doono dhawr todobaad kadib dhaawaca soo gaadhay.

Dhanka kale xiddiga Harry Maguire ayaa dhaawac uga maqnaa Man United todobaadyadii ugu dambeeyay waxana la filayaa in uu sii maqnaado maadama uuna dhaawacya ka soo kabsan wali.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ay labada xiddig ee Varane iyo Maguire ka maqnaan doonaan kooxda Man United 6 kulan oo ay ugu horeeyaan kulamada Leicester City iyo Atalanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*