“Ku Guulaysiga Chelsea Ee Horyaalka? Ma Jirto Cid Hor Istaagi Karta Liverpool”.

Xiddigii hore ee kooxaha chelsea iyo Liverpool ee Fernando Torres ayaa sheegay in ay adagtahay in ay Chelsea u tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta ooay saxiixyo badan sameeyeen isaga oo sheegay in ay Liverpool wali ka adagtahay.

Chelsea ayaa samaysay 7 saxiix xagaagan Kana mid yihiin Timo Werner, Hakim Ziyech, Kai Hevertz iyo Ben Chilwell.

Torres oo la hadlaya talkSPORT ayaa yidhi”Chelsea waxa ay dhisaysaa koox cajiib ah, kaliya ma ahan xilli ciyaareedkan laakiin mustaqbalka”.

“Waxa ay samaynayaan saxiixyo fiican oo waliba xiddigo da’yar ah oo fiiican waxana uu lampard ku hogaamin karaa boos fiican”.

“Waxa ay chelsea u dhawaan doontaa kaalmaha hore laakiin uma tartami karaan horyaalka sababta oo ah wali waxa ka horeeya Liverpool Iyo Man City”.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool ka fiicnatahay Chelsea iyo Man City”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Laacib.net

3 Comments

  1. hami aduunyo iyo hunguri ayaa Torres qaaday lakiin wali Liverpool waa jecel yahay waa el Nino. ciyaartoyda in lacag kuso jiidato kadibna flopp kugu agnoqdo waa wax fudud. lakiin in qalbigooda degdegtid xitaa flopp ka ciyaartoy wanaagsan ku noqdo waxaa lagu arkaa Liverpool

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*