Ku Biirista Jack Grealish Ee Man City Oo Fure U Noqon Doona Saxiixyo Ay Sameeyaan Arsenal & Aston Villa.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa Jack Grealish ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Villa Park iyada oo kooxda Man City ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga.

Jack Grealish Ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tartankii euro 2020 iyada oo xulka England gaadhay Final-ka euro 2020 xilli uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa.

Hadii uu Jack Grealish ku biiro kooxda Man City Waxa uu fure u noqon doonaa dhaq-dhaqaaq ay sameeyaan kooxaha Aston Villa iyo waliba kooxda Arsenal.

Hadii uu Jack Grealish ku biiro Arsenal waxa ay Kooxda Aston Villa u dhaqaaqi doontaa saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Emile Smith Rowe kaas oo haatanba lala xidhiidhinayo kooxda.

Hadii ay sidaas dhacdo kooxda Arsenal ayaa dhankooda u dhaqaaqi doonta saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves kaas oo ay haatanba doonayaan saxiixiisa.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*