Koulibaly Oo Magacaabay Laba Qof Oo Ku Qanciyay In Uu Ku Biiro Chelsea.

Xiddiga cusub ee kooxda Chelsea Kalidou Koulibaly ayaa shaaca ka qaaday in Edouard Mendy iyo Jorginho ay ku qanciyeen inuu u saxiixo Blues.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa Napoli kaga biiray Napoli kadib markii ay Blues bixisay 34 milyan oo euro isaga oo isaga tagay Italy kadib 8 sano oo uu joogay.

Koulibaly ayaa sheegay in xiddigaha Mendy iyo Jorginho ahaayeen labadii xiddig ee ku qanciyay in uu ku biiro kooxda chelsea.

Xiddiga Koulibaly ayaa Jorginho kula soo ciyaaray Napoli halka uu Mendy kula ciyaaro xulka qaranka Senegal.

“Riyo ayay ii ahayd in aan ka ciyaaro premier League”ayuu Koulibaly yidhi.

“Chelsea waxa ay isku dayday saxiixayga sanadkii 2016 laakiin ma dhicin laakiin haatan way ii suurtagashay”ayuu sii raaciyay.

“Markii aan la hadlay saaxiibadyda fiican ee Mendy iyo Jorginho waxa ii fududaaday dookha aan ku doortay chelsea”.