Kostas Tsimikas Oo Maraya Wadadii Mohamed Salah & Sadio Mane Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray Liverpool.

Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Kostas Tsimikas ayaa maraya wadadii Mohamed Salah Iyo Sadio Mane ee kooxda Liverpool.

Xiddiga reer Greece ayaa ku soo biiray Liverpool Salaasadii kadib markii ay kooxdu ku fashilantay saxiixa Jamal Lewis.

Norwich City aya dalbatay in ay 20 milyan ku iibiso xiddiga 22 jirka ah taas oo keentay in ay Liverpool diiday qiimahaas una dhaqaaqday saxiixa xiddiga Kostas Tsimikas.

Kostas Tsimikas ayaa Liverpool ugu soo biiray lacag dhan 10 milyan oo euro laakiin su’aalaha ayaa ah sida uu uga fal celin doono in uu ahaa dookha 2-aad.

Si kasta ha ahaatee dhamaan xiddigaha Liverpool ayaa ahaa dookha 2-aad iyada oo ay ku jiraan xiddigaha Salah iyo Mane.

Xiddiga Robertson ayaan ahayn dookha 1-aad ee suuqa Liverpool markii uu ku soo biiray laakiin waxa ay Reds u dhaqaaqday saxiixiisa kadib markii ay wayday saxiixa xiddiga Ryan Sessengnon si la mid ah Salah ayaan ahayn dookha 1-aad laakiin Liverpool ayaa u dhaqaaqday saxiixiisa kadib markii ay wayday dookha 1-aad oo ahaa xiddiga Julian Brandt.

Sidoo kale xiddigaha Gini Wijnaldum & Sadio Mane ayaan ahayn dookha 1-aad ee Jurgen Klopp laakiin waxa dookha 1-aad ahaa xiddigaha  Piotr Zielinski & Mario Gotze.

Sii Akhriso: Maleeshiyaadka al-Shabaab Oo Weeraray Saldhig Militari Oo Ku Yaal Bartamaha Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*