Kooxo Italy Ah Oo Si Dhaw Isha Uga Haya Saxiixa Isco , Goorma Ayaa La Heli Karaa?

Kooxahaa  Juventus iyo Milan ayaa lagu waramayaa in ay sii xoojiyeen xiisaha ay u qabaan Isco , waxa ayna isha ku hayaan xaaladda laacibka ee Real Madrid

Tan iyo markii macalin Ancelotti uu yimid Real , wiilkaas reer Spain waxa uu ku soo biloowday laba kulanka halka midna uu ku soo galay badel waana kulamada La Ligaha

Si waliba , inkastoo Gareth Bale uu maqan yahay hadana Isco xitaa badel looma adeegsan kulankii axadii ee ay Real ku garaaceen Celta Vigo.

Wargeyska Claico Mercato ayaa qoraya , in 29 sano jirkaan uu ku  jahwareersan yahay nolosha Real waliba uu diyaar u yahay in koox cusub uu raadsado

Hishiiskisia Real waxaa ka harsan wax ka yar sanad , sidaa darteed labadaan koox waxa ay damacsan yihiin January la sii gaaraan hishiis si xagaaga ay ugu helaan qaab xor ah

Haddii xaalkiisa wax iska badelin xittaa Real waxa ay u furnaan doontaa in ay iska iibiyaan January si mushaarkiisa ay uga bad badaan.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*