Kooxdii Ugu Horaysay Oo Xaqiijisay In Ayna Ku Biirayn Tartanka Cusub Ee European Super League.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegayso inaysan ku biiri doonin tartanka cusub ee European Super League.

12 kooxood ayaa Axadii ku dhawaaqay in ay ku biiri doonaan tartanka European Super League Kaas oo xalay si Rasmi ah loogu dhawaaqay bilaabashadiisa.

6 Ka mid ah kooxahaas ayaa ka yimid premier League kuwaas oo kala ah Manchester United, Manchester City, Arsenal, Liverpool, Chelsea & Tottenham.

6-da kooxood ee kale ayaa kala ah kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid oo La Liga ah iyo Serie A-da oo ay ka socdaan kooxaha Juventus, Ac Milan iyo Inter Milan.

Kooxda Borussia Dortmund oo aan ku jirin kooxaha saxiixay bilaabashada tartanka ayaa haatan soo saaray warbixin ay ku xaqiijiyeen in ayna ka qayb ahaan doonin tartanka wax walba oo dhaca.

Agaasimaha Kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa yiri: “Kooxuhu waxay rabaan inay dhaqan galiyaan dib u habeynta la qorsheeyay ee UEFA Champions League. Qorshayaashii lagu doonayay Super League waa la diiday”.

Sii Akhriso: 5 Faa’iido Oo Uu Jacaylka U Leeyahay Naftaada, Waa Kuwo Cajiib Ah, Hadda Samayso Jacayl

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*