Kooxdii Ugu Dambaysay Ee Isku Dayday In Ay Arsenal Ka Afduubato Pierre-Emerick Aubameyang Ka Hor Intii Uuna Heshiiska Cusub Saxiixin Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dayday in ay Arsenal ka afduubato xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ka hor intii uuna heshiiska cusub u saxiixiin kooxda Arsenal.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Arsenal kadib markii uu shalay qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku sii joogi doono kooxda.

Laakiin Shabakada Sky Sport ayaa sheegaysa in ay Barcelona daqiiqadihii ugu dambeeyay isku dayday in ay Arsenal kala wareegto kabtankeeda Pierre-Emerick Aubameyang.

Isla shabakada ayaa sheegaya in ay Barcelona xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang miiska u saartay dalab aad u sareeya oo dhanka mushaharka ah si ay uga dhigtaan saxiixooda ugu weyn ee xagaagan.

Laakiin Pierre-Emerick Aubameyang ayaa iska diiday isaga oo qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu kaga sii ciyaari doono garoonka Emirates Staduim.

 

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*