Kooxdee Ayuu Ku Biirayaa Ramos , Saaxibadiisii Real Madrid Ayuu U Sheegay

Ilo wareedyo ayaa qoraya in Sergio Ramos uu ku war giliyay saaxibadiisa Real Madrid halka uu xilli ciyaareedka dambe ka ciyaarayo.

Ramos ayaa dhawaan shaaciyay in uu ka tagay kooxdaas ka dib markii la isku fahmi waayo hishiis cusub oo uu saxiixo taasi oo keentay in 16 sano ka dib ka huleelo Real.

PSG ayaa ah kooxda ugu xooggan haatan baacsiga loogu jiro Ramos kaasi oo ay balan qaadyo kala duwan u sameeyeen

Idaacadda Cope ee Spain ayaa sheegeysa in Ramos saaxibo ku dhaw oo Real jooga uu u sheegay in uu ku biirayo PSG

PSG ayaa dooneysa in ay helaan daafac qibrad leh oo kooxda wax kaga hogaamiya in ay qadaan Champion-ka maadaama dhanka horyaalka ay ka xasillan yihiin

Waxaa la xusayaa in PSG ay Ramos ka saxiixanayaan hishiis gaaraya 3 sano waxaana la filayaa in taasi ay dhacdo marka koobka qaramada Yurub uu soo dhamaado

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*