Kooxda Uu Wakiilka Paul Pogba Filayo In Uu Xiddigu Ku Biiro Oo La Ogaaday.

Wakiilka Mino Raiola ayaa lagu soo waramayaa in uu filayo in uu Paul Pogba ku biiro kooxda Real Madrid suuqa kala iibsiga xagaaga dambe sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka Paul Pogba ee Man United ayuu shaki weyn ku jiraa bilihii ugu dambeeyay iyada oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tagayo Old Trafford.

Wakiilka Mino Raiola ayaa sheegaya in uu Wakhtigii Paul Pogba soo dhamaaday waliba xiddigu isaga tagi doono kooxda xagaaga dambe marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado.

Haatan waxa soo baxaya warar sheegaya in uu Mino Raiola filayo in uu Paul Pogba ku biiro kooxda Real Madrid kana hoos ciyaaro Zidane xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Khalad Oo Uu Ninku Ka Galo Xaaskiisa Kulanka Sariirta, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*