Kooxda Uu Pierre-Emerick Aubameyang Sugayo In Ay Dalab Ka Soo Gudbiso Oo La Ogaaday.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa in uu ku faraxsanyahay in uu ciyaaro ciyaarta sugitaanka mustaqbalkiisa Arsenal.

Kadib markii uu Arsenal ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka xiddiga reer Gabon ayaa la sheegayaa in ay u badantahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal bisha dambe.

Inkasta oo ay xaalad dhaqaale xumo ku jirto Arsenal ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay weeraryahanka miiska u saarto heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo 250 kun oo Gin.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Fabrizio Roman ayaa sheegaya in uu 31 jirkan sugayo in ay Barcelona dalab ka soo gudbiso saxiixiisa todobaadyada iyo bilaha soo socda.

“Aubameyang Waxa uu sugayaa in uu dalab ka helo kooxda Barcelna, wakhti xaadirkan mar jirto koox dalab ka soo gudbisay”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*