Kooxda Uu Mohamed Salah Ku Biiri Karo Hadii Uu Ka Tago Liverpool Oo La Ogaaday, Mana Ahan Real Madrid & Barcelona.

Wargayska reer France ee le10sport ayaa shaaca ka qaaday in uu xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ku biiri karo kooxda PSG hadii uu ka tago Liverpool xagaaga dambe.

Mustaqbalka Mohamed Salah ee Liverpool ayaa si weyn loo hadal hayaa kadib markii uu dhawaan diiday in uu Albaabka ka xidho u dhaqaaqistiisa kooxaha Real Madrid ama Barcelona.

Wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda PSG tahay kooxda ugu cad-cad ee Saxiixa Mohamed Salah hadii uu ka tago kooxda Liverpool xagaaga.

Kooxda PSG ayaa doonaysa in ay Salah ka garab ciyaarsiiso xiddigaha Mbappe iyo Neymar si ay ugu guulaystaan tartanka champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Khalad Oo Uu Ninku Ka Galo Xaaskiisa Kulanka Sariirta, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*