Kooxda Uu Kylian Mbappe Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Kashifay, Real Mise Liverpool?

Tababare Unai Emery ayaa sheegay in Kylian Mbappe uu ka dhawaajiyay rabitaan uu ugu biiro Real Madrid markii uu tababaraha u ahaa kooxda PSG.

Mustaqbalka Mbappe ayaa si weyn loo hadal hayaa iyada oo la aaminsanyahay in ay Real Madrid hogaaminayso tartanka loogu jiro xiddiga reer France.

Kooxaha Liverpool, Juventus iyo Barcelona aya sidoo kale lala xidhiidhinayay xiddiga koobka adduunka ku guulaystay.

Emery oo tababare u soo noqday PSG intii u dhexeeyay 2016 iyo 2018 waliba la soo shaqeeyay xiddiga muddo hal xilli ciyaareed ah ayaa sheegay in uu xiddiga reer France u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro Real Madrid.

Isaga oo a hadlaya Cadena Cope ayaa yidhi” Mbapee aad ayuu u xiisaynayaa in uu ku biiro Real Madrid”.

Xiddiga reer France ee Mbappe ayaa dhaliyay 94 gool 129 gool isaga oo 4 gool dhaliyay 5 kulan oo xilli ciyaareedkan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*