Kooxda Uu Jack Grealish Ku Biiri Doono Xagagan Oo La Ogaaday, Chelsea, United Mise City?

Wakiilada Jack Grealish ayaa lagu soo waramayaa inay kalsooni ku qabaan in Aston Villa ay u ogolaan doonto Xiddiga reer England inuu dhameystiro heshiis weyn oo uu ugu dhaqaaqayo Manchester City xagaagan.

Xiddiga 25 jirka ah ee dhaliyay 7 gool 12-ka kalena caawiyaha ka noqday 27 kulan oo uu u saftay Villa xilli ciyaareedkii hore ayaa bishii September ee sanadkii hore qalinka ku duugay heshiis cusub.

mar kale waxa jira hadal hayn ku saabsan mustaqbalkiisa iyada oo kooxaha Man United, Man City iyo chelsea xiiso u qabaan saxiixiisa suuqa xagaagan.

Sida laga soo xigtay The Sun, Dadka ku dhaw Grealish ayaa kalsooni ku qabta in Villa ay u oggolaan doonto weeraryahanka inuu u dhaqaaqo kooxda Pep Guardiola heshiis qiimihiisu yahay 100 milyan oo euro.

Wararka ayaa sheegaya in ayna Man City rasmi ah ka gudbin doonin kubadsameeyaha ilaa dhamaadka Euro 2020 laakiin waxa ay doonayaan in uu kooxda ku soo biiro bisha July si uu ula bilowdo tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*