Kooxda Uu Harry Kane Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Kashifay.

Halyeeyga Manchester United Roy Keane ayaa aaminsan in weeraryahanka Tottenham Harry Kane inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Old Trafford xagaagan.

Kabtanka reer England ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kulankii ay Tottenham guuldarada kala kulantay kooxda Man United kulankii dhacay Axadii.

Kane ayaa diiday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Tottenham xilli la seegayo in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda hadii ay Tottenham ku fashilanto in ay u soo baxdo champoins League.

Kooxda Man United aya dhankeeda doonaysa saxiixa Kane xilli ay raadinayaan weeraryahan ay ku xoojiyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Keane ayaana rumaysan in harry Kane uu doonayo in uu ku biiro Man Unitrd si uu uga garab ciyaaro xiddigaha Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

“Kane waxa uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Man United sababta oo ah United waxa ay samaysay horumar 12-kii bilood ee ugu dambeeyay”.

“Sidaas darteed waxa aan aaminsananahay in uu Kane doonayo in uu ku biiro kooxda Man United”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaan In Aad Xoojisaan Jacaylkiina, Waliba Aad Isku Dhawaataan Inta Lagu Jiro Bisha Ramadaan, 3-dan Arin Ayaa Idinka Xigta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*