Kooxda Uu Erling Haaland Jecelyahay Oo La Ogaaday

Mustaqbalka Erling Haaland waa middka ugu hadalka badan kubada cagta cagta yurub iyada oo qof walba ka hadlayo meesha uu weeraryahanka Borussia Dortmund ku biiri doono.

Xiddiga reer Norway ayaa la filayaa in uu isaga tago Dortmund xagaaga soo sacoda iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 68 milyan oo euro.

Maamulka Dortmund aya qirtay xitaa in ay kooxdiisa ku adkaan doonto in ay sii haysato xiddiga weerarka ka ciyaara.

Xiddigii hore ee Real Madrid Steve McManaman ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Haaland, waxaana uu ku rajo weyn yahay in Los Blancos ay noqon doonto kooxda uu ku biiri doono.

“Miyaan u malaynayaa in Liverpool ku jiri doonto dagaalka loogu jiro saxiixa Haaland, xagaaga dambe? Maya”ayuu yidhi.

“Runtii waxaan u malaynayaa inuu aadi doono Real Madrid, ciyaaryahankana shaqsi ahaantiisa wuu jecel yahay fikradda kooxda, qaab nololeedka, iyo wax walba oo ku saabsan Real Madrid.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: Hadalo Macaan Oo Aad U Diri Kartid Qof Aad Si Dhab Ah U Jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*