Kooxda Uu Erling Braut Haaland Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa lagu soo waramayaa in uu doortay in uu ku biiro Real Madrid suuqa xagaaga.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ka tagi karo kooxda Borussia Dortmund xagaaga hadii ay kooxdu bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa kooxda.

Haaland ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub kadib markii uu qaab ciyaareed wali ah ku soo bandhiay kooxda Dortmund xilli ciyaareedkan.

Laakiin shabakada ABC ayaa sheegaysa in uu Haaland doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaag kuwaas oo dhankooda raadinaya saxiixa weeraryahan cusub.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in sababta Haaland doonayo in uu ugu biiro Real Madrid tahay in uu doonayo in uu ka garab ciyaaro xiddigaah Luka Modric iyo Toni Kroos xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga da’yarka ah ayaa dhaliyay 31 gool 30 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Borussia Dortmund xilli ciyaareedkan isaga oo ah xiddiga ugu goolasha badan champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*