Kooxda Uu Cristiano Ronaldo Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday, PSG Mise Man United?

Cristiano Ronaldo ayaa ka fiirsanaya inuu ku laabto Manchester United ka dib markii kooxda ka dhisan Premier League ay bilowday wadahadalo ay dib ugula soo saxiixaneyso Xiddigeedii hore, sida ay sheegayaan wararka.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa haatan kujira xilli ciyaareedkiisii ​​seddexaad ee Juventus ka dib markii uu kaga soo biiray Real Madrid xagaagii 2018.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Juventus ay dooneyso inay iska dirto Ronaldo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, halka Paris Saint-Germain si aad ah loola xiriirinayo inay u dhaqaaqeyso xiddiga.

Laakiin sida laga soo xigtay ESPN Argentina iyo wariyaha Fox Sports ee reer Argentina Christian Martin, United ayaa durbaba bilaabay wadahadalo ay dib ugula soo saxiixaneyso Ronaldo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Martin ayaa sheegay in uu Ronaldo qiimayn doono dalabka uga yimaada Man United halka Juventus diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga hadii uu dalbado in ay fasaxdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*