Kooxda Uu Cristiano Ronaldo Doonayo In Uu Ciyaaraha Kaga Fadhiisto Oo La Ogaaday.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa inuu qorsheynayo inuu ciyaaraha kaga fadhiisto kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku soo laabtay Old Trafford isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah laakiin xiddiga ayaa qorshaynaya in uu sii ciyaaro ilaa 40 sano jirka.

Sida laga soo xigtay The Sun, Ronaldo ayaa doonaya in uu ciyaaraha kaga fadhiisto kooxda Red Devils ka hor inta uuna isla Man United tababare ka noqon.

Wararka ayaa sheegaya in uu 36 jirkan doonayo in uu tababare ka noqdo kooxda da’yarka ee Man United oo uu haatan u ciyaaro wiilkiisa Cristiano JR.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*