Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League Xilli Ciyaareedkan Oo La Saadaaliyay

Tababaraha Kooxda Shakhtar Donetsk ee Luis Castro ayaa kooxda Real Madrid u saadaaliyay ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay Los Blancos guuldro ku bilaabatay tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaro 3/2 ah kala kulantay kooxda Shakhtar Donetsk kulankoodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka.

Luis Castro oo arintaas ka hadlaya ayaa wargayska AS u sheegay”Real Madrid waa Real Madrid wax walba oo dhaca, waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka, hadii ayna ahaynba kuwa ugu fiican”.

“Anigu waxa aan arkaa in ay Real Madrid ugu cad-cadahay ku guulaysiga champions League, bal eega waxa ay ku dhigeen Barcelona”.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*