Kooxda Liverpool Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Thiago Alcantara

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 35 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara.

Xiddiga reer Spain ee Thiago Alcantara ayaa haatanba la sheegayaa in uu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Liverpool kadib markii uu iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo Bayern Munich.

Wararka aatan soo baxaya ayaa sheegaya in ay Liverpool kooxda Bayer Munich miiska u saartay dalab lacageed oo dhan 35 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Dalabka Liverpool ayaa imanaya kadib markii agaasimaha kooxda Bayern Munich xaqiijiyay in ay Liverpool doonayso saxiixa xiddiga sidoo kale Thiago Alcantara doonayo in uu ku biiro Liverpool.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doonaya in uu Thiago Alcantara ka dhigo saxiixiisii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*