“Kooxda Liverpool Ee Haatan Ayaa Ka Fiican Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Ku Qaaday Horyaalka”.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Emmanuel Petit ayaa si muran ku jiro ku sheegay in ay kooxda Liverpool ee Haatan ka fiicantahay kooxdii Arsenal ee Guuldaro la’aanta ku qaaday horyaalka premier League xilli ciyaareedkii 2003/2004.

Xiddiga reer France ayaa 3 sano oo fiican ku qaatay kooxda Ku ciyaarta Emirates waliba kula guulaystay horyaal iyo FA Cup ka hor intii uuna ka tagin kooxda sanadkii 2000.

4 sano kadib Markii uu Arsenal kaag biiray Barcelona kooxda Guners ayaa horyaalka ku guulaystay horyaalka premier Leagu iyaga oo xilli ciyaareedkan ku dhamaystay guuldaro la’aan.

Kooxda Liverpool ayaa duufaan ku qaadatay kooxaha premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo 25 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka xilli la joojiyay tartanka sabab la xidhiidha Coronavirus.

Reds ayaa u muuqatay kuwo guuldaro la’aan ku qaadi kara horyaalka premier League ka hor intii ayna guuldaro 3/0 ah kala kulmin kooxda Watford laakiin waxa ay ku dhawyihiin in ay soo afjaraan muddo 30 sano ah oo ayna ku guulaysan horyaalka premier League.

Advertisements

Emmanuel Petit ayaana meel iska dhigay Daafacdnimada kooxdiisii hore isaga oo sheegay in ay kooxda Liverpool ee haatan ka fiicantahay kooxdii Arsenal ee guuldaro la’aanta ku qaaday premier League.

“Waxa aan Ixtiraam weyn u hayaa saaxiibadaydii hore iyo kooxdaydii hore laakiin marka aan eego Liverpool & wixii ay qabanayeen labadii sano ee la soo dhaafay”ayuu u sheegay Mirror.

“Dadku kaliya waxa ay sidaas ugu eegayaan sababta oo ah waxa ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen champions League laakiin waxa ay ahaayeen koox fiican labadii sano ee ugu dambaysay”.

“Waxa ay qabanayaan waa wax cajiib ah way adagtahay in la arko koox ku jirta qaab ciyaareed fiican waliba u awood sheegtay kooxaha ay ka hor yimaadaan”.

“Arsenal iyo Liverpool-ba waa kooxo waaweyn oo taariikh leh laakiin Kooxda Liverpool waa koox khaas ah, way adagtahay in la qeexo waxa ay kooxda Liverpool samaynayso”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*