Kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Hal Mar Heshiis Cusub Ka Saxiixatay 4 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiinisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay 4 ka mid ah kooxdeeda kadib guushii weynayd ee ay ka gaadheen kooxda Ferencváros tartanka champions League.

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddigaha Gerard Piqué, Marc ter Stegen, Clément Lenglet & Frenkie de Jong kuwaas oo ogolaaday in ay hoos u dhigaan mushaharadooda kooxda si ku meel gaadh ah sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Daafaca Gerard Piqué ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda kula joogi doono ilaa xagaaga 2024 iyada oo lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa kor loogu qaaday 500 oo milayn.

Goolhayaha 1-aad ee kooxda Marc ter Stegen oo haatan dhaawac uga maqan kooxda ayaa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 20205 iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo lacag dhan 500 oo milyan.

Daafaca dhexe ee reer France ee Clément Lenglet ayaa dhankiisa qalinka ku duugay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 iyada oo lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa laga dhigay 300 oo milyan.

Ugu dambayn Barcelona ayaa hubisay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Frenkie de Jong kaas oo qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2026 iyada oo heshiiskiisa lagu bur-burinayo lacag dhan 400 oo milyan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*