Kooxda Barcelona Oo Caruur U Badan Oo Garaacday Dynamo Kyiv Kulan Ay Iska Caabin Xoogan La Kulantay.

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Dynamo Kyiv kulan ka dhacay garoonka Stadion NSK Olimpiyskiy inkasta oo ay ka maqnaayeen xiddigo muhiim ah.

Qaybta Hore:

Ronald Koeman ayaa ciyaarta ku soo galay shax xiddigaha ku bilowday da’doodu u dhexaysay 24 Sano iyo 206 maalmood kuna doonayay in uu ku gaadho guul u fududaysa in ay iska xaadiriyaan wareega 16-ka.

Laakiin kooxda Dynamo Kyiv ayaa iska caabin xoogan kala hor timid kooxda Barcelona qaybtii hore ina oo xitaa odhan karna iyaga ayaa si aad ah uga fiicnaa.

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa Barcelona ku qaadaysay weeraro halis galiyay Goolkooda waliba ku dhawaaday in ay ka dhaliyaan goolka 1-aad dhawr jeer.

Dhanka kale Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta oo kubada haysatay inta badan laakiin si weyn ugu dhibaatooday in ay kubada goolka dhex dhigaan.

Kooxda Barcelona ayaa heshay dhawr fursad oo fiican laakiin waxa ku adkaatay in ay wax gool ah u badalaan fursadahaas taas oo muujisay sidii ay Barcelona ugu dhibaatootay goolka hortiisa.

Qaybta Dambe:

Kooxda Dynamo Kyiv ayaa sidii qaybtii hore ku bilaabatay ciyaarta qaybta dambe si dar-dar leh iyaga oo Barcelona ka dhalin gaadhay goolka 1-aad.

Laakiin Barcelona ayaa qaybtii dambe isa soo canaanatay marka la eego dhanka goolka hortiisa iyaga oo kooxda Dynamo Kyiv kaga naxsaday laba gool oo deg-deg ah.

Kadib markii ay Dynamo Kyiv iska khasaarisay fursad halis ah oo ay gool ka dhalin kartay kooxda Barcelona ayaa jawaab fiican ka bixisay.

Daqiiqadii 5-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Sergino Dest kaas oo sidaas ku furtay Akoonkiisa Goolasha Kooxda Barcelona.

Xilli ayna kooxda Dynamo Kyiv wali ka soo kabsan goolkii laga dhaliyay Ayay Barcelona mar kale qalbiga kaga jabisay gool kale.

Daqiiqadii 57-aad ayay barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana markan u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kadib labada gool ee deg-dega ahaa Kooxda Dynamo Kyiv ayaa niyad jabtay waxana ay joojiyeen weeraradii badnaa ee ay qaadayeen.

Dhanka kale Barcelona ayaa sii dheeraystay hogaanka ciyaarta kadib markii uu xiddiga Martin Braithwaite dhaliyay goolka 3-aad ee kooxda Barcelona kadib rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Daqiiqadii 90+2-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 4-aad waxnaa u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul qaybta dambe ee ciyaarta ah una awood sheegatay kooxda Dynamo Kyiv

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*