Kooxda Ay Real Madrid Doonayso In Ay Ku Aado Wareega 8 Dhamaadka Champions League Oo La Ogaaday.

Shabakada Defensa Central ayaa shaaca ka qaaday kooxda ay Xiddigaha Real Madrid doonayaan in ay ku aado kooxdu wareega 8 dhamaadka champions League.

Isku aadka wareega 8 dhamaadka champions League ayaa la samayn doonaa 30 daqiiqo kadib iyada oo ay kooxuhu ogaan doonaan kooxaha ay la ciyaari doonaan wareega xiga.

Kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions league kadib markii ay garaacday kooxda Atalanta kulan ka tirsanaa wareega 16-ka.

Shabakada Defensa Central ayaa sheegaysa in ay xiddigaha Real Madrid doonayaan in ay ku aadaan kooxda PSG wareega 8 dhamaadka champions League.

Xiddigaha Los Blancos ayaa aaminsan in ay garaaci karaan kooxda reer France inkasta oo ay kooxda reer France tartanka ka reebtay Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*