Kooxda Arsenal Oo Qarka U Saaran Xiddig Liverpool U Dhawaatay Saxiixiisa Sanado Ka Hor.

SEVILLE, SPAIN - MARCH 08: Nabil Fekir of Real Betis Balompie in action during the Liga match between Real Betis Balompie and Real Madrid CF at Estadio Benito Villamarin on March 08, 2020 in Seville, Spain. (Photo by Silvestre Szpylma/Quality Sport Images/Getty Images)

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Betis ee Nabil Fekir sida ay sheegayaan wararku.

Warkan ayaa imanaya hal maalin kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay kooxda Arsenal xiiso u qabto saxiixa xiddiga koobka adduunka kula guulaystay France.

Wargayska Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in ay Arsenal ku dhawdahay in ay ku guulaysato saxiixa xiddiga Fiker xilli ay ku garaacayso kooxda Barcelona oo dhankeeda xiiso u muujisay saxiixa xiddiga.

Xiddiga ayaa xagaagii 2018 ku dhawaday in uu ku biiro kooxda Liverpool ka hor inta uuna bur-burin heshiisku saacadihii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha dhaawac ku soo baxay xiddiga baadhitaankii caafimaadka.

Kooxda Real Betis ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga reer France xagaaga sabab la xidhiidha in uu xiddigu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*