Kooxda Arsenal Oo Doonaysa Saxiixa Moussa Dembele Laakiin Halk Shardi Ku Xidhay

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay xiiso aad ah u qabto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele laakiin waxa ay kaliya dalab ka gudbin doonaan xagaaga hadii ay bedelaan Pierre-Emerick Aubameyang ama Alexandre Lacazette, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya France.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay ku faraxsantahay xiddigaha ay weerarka ku haysato iyada oo uu Aubameyan 23 gool u dhaliyay xilli ciyaareedkan Lacazette dhaliyay 10 gool.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga Aubameyang oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xili ciyaareedka dambe iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu sii haysto kabtankiisa.

Dhanka kale, Lacazette, ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiso ka helayo kooxaha Atletico Madrid, Inter Milan iyo Juventus. Laakiin haddii midkood ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda ayaa ka fiirsan doonta inay u dhaqaaqdo Dembele, sida uu sheegayo wargayska Footmercato.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa tartan adag la kulmi doonta tartanka ku aadan xiddiga 23 jirka ah iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda PSG kuwaas oo doonaya badalka Edison Cavani.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*