Kooxaha Xiddigaha Ugu Badan Ku Leh Xulalka Gaadhay Wareega 16-ka Euro 2020.

Waxa bilaabanaya wareega 16-ka tartanka Euro 2020 waxana si weyn isha loogu hayaa tartanka kaas oo noqon doona mid xiiso leh kulamada maalmaha soo socda la ciyaari doona.

Kooxaha kubada cagta yurub ayaa si gaar ah ula socda tartanka sabab la xidhiidha in ay ka indha-indhaynayaan xiddigo cusub ama ay la socdaan qaab ciyaareedka xiddigohooda.

Kooxda chelsea ayaa ah kooxda xiddigaha ugu badan ku leh xulalka iska xaadiriyay wareega 16-ka tartanka Euro 2020 iyaga oo ku leh 15 xiddig.

Koxoda Man City ayaa ku xigta waxana ay ku leeyihiin 13 xiddig halka ay kooxda Bayern Munich oo ku xigta ku leeyihiin 12 xiddig xulalka ciyaaraya wareega 16-ka tartanka Euro 2020.

Kooxaha Borussia Dortmund, Dynamo Kyiv Iyo Man United ayaa dhankooda xulalka ka ciyaaraya wareega 16-ka euro 2020 ku leh min 10 xiddig

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*