Sagaal kooxood ayaa ugu cadcad inay la saxiixdaan Mohamed Salah iyada oo uu xiddigu xaqiijiyay in uu Ka Tagayo Kooxda Liverpool.
Salah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay baraha bulshada inuu ka tagayo Anfield xagaagan, inkastoo heshiiskiisu uu weli hal sano ka harsanaa.
Kooxaha la filayo inay xiiseynayaan waxaa ka mid ah:
Paris Saint-Germain – doonaya beddelka xiddigaha waaweyn
Al-Ittihad – horey u xiiseynayay Salah
Al-Hilal – awood dhaqaale weyn leh
Real Madrid – had iyo jeer raadiya xiddigo waaweyn
FC Barcelona – haddii xaaladooda dhaqaale ogolaato
Juventus – doonaya weerar cusub
Bayern Munich – mar walba raadisa ciyaartoy heer sare ah
Inter Milan – qorsheynaya xoojinta weerarka
Newcastle United – mashruuc dhaqaale xoog leh leh
Inkasta oo kooxo badan xiiseynayaan, waxaa la filayaa in go’aanka Salah uu ku xirnaan doono labo arrimood oo waaweyn: mushaharka iyo tartanka uu doonayo inuu sii ciyaaro heer sare.
Be the first to comment