Kooxaha Uu Cristiano Ronaldo Ku Biiri Karo Kadib Markii Uu Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Man United.

Cristiano Ronaldo ayaa qarxiyay lama filaan weyn kadib markii uu maamulka Kooxda u gudbiyay warqada bixitaanka.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa maamulka Man United u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Cristiano Ronaldo ayaa go’aansaday in uu isaga tago kooxda sabab la xidhiidha in ayna kooxdu lahayn Hami ay ugu tartanto koobab marka la eego dhaq-dhaqaaqa suuqa xagaaga.

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya saacadihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiddiga durba lala xidhiidhinayo kooxo doonaya kuwaas oo diyaar u ah in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in uuna Cristiano Ronaldo wali wax koox ah wadahadalo kula jirin laakiin uu wakiilkiisu saxiia xiddiga u soo bandhigay kooxo dhawr ah.

Wakiilka Cristiano Ronaldo ee Mendes ayaa ilaa haatan la xidhiidhay kooxaha Bayern Munich, chelsea, PSG, Juventus iyo Real Madrid kuwaas oo uu dhamaantood u soo bandhigay saxiixa xiddiga.