Kooxaha Ugu Qaalisan Premier League Oo La Soo Saaray

Kooxda Liverpool ayaa ah kooxda ugu qaalisan horyaalka premier League iyada oo wax yar u jirta lacag dhan 1 bilyan oo euro.

Kooxda Jurgen Klopp ee difaacanaysa horyaalka premier League ayaa ku fadhida lacag dhan 979 milyan oo euro sida laga soo xigtay BetVictor.

Liverpool ayaa ka horaysa kooxda Man City oo ku fadhida lacag dhan 944 milyan oo euro kuna jirta kaalinta 2-aad halka ay ku jirto kaalinta 3-aad kooxda chelsea oo ku fadhida 749 milyan oo euro.

Kooxda Man United ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo ku fadhiya lacag dhan 732 milyan euro iyaga oo ka horeeya kooxaha Tottenham iyo Arsenal oo ku kala fadhiya 680 iyo 562 milyan euro.

Arinta la yaabka ah ayaa ah in kooxda West Brom ee ku cusub horyaalka xilli ciyaareedkan ay ka hoosayso xitaa lacagtii ay Man United kula soo wareegtay Kaliya xiddiga Harry Maguire xagaagii hore.

Liverpool boast the most-valuable squad in the Premier League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*