Kooxaha Ugu guulaha Badan Spanish Super Cup-ka Ka Hor Bilaabashada Tartanka.

Waxa maanta la bilaabayaa tartanka Spanish Super Cup-ka iyada oo la ciyaari doono Semi-final-ka oo ay isaga hor iman doonaan 4 kooxood oo reer Spain ah.

Tartanka Spanish Super Cup ayaa ah tartanka ay ciyaaraan 4 kooxood sanad walba kadib markii laga qabalay qaabkii hore ee ay labada kooxood ciyaari jireen.

Waxa tartanka lagu furi doonaan kooxda Barcelona oo caawa la ciyaari doonta kooxda Real Sociedad halka ay Real Madrid Khamiista la ciyaari doonto Athletic Bilbao.

Tartanka ayaa ah mid taariikhi ah soona socday muddo dheer waxana jira kooxo ku guulaystay koobabka inta ugu badan taariikhda.

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda ugu badan ee ku guulaystay koobka iyaga oo ku guulaystay 13 jeer halka ay Real Madrid ku jirto kaalinta 2-aad iyaga oo ku guulaystay 11 jeer.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa iyada ku guulaystay 2 jeer halka ay Real Sociedad ku guulaystay Hal koob oo ah Tartanka Spanish Super Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*