Kooxaha Taariikhda Leh Ee Laga Reebay European Super League

12 ka mid ah kooxaa ugu waaweyn qaarada yurub ayaa ku heshiiyay in ay ka goostaan champions League waliba bilowdaan tartan iyaga u gaar ah laguna magacaabo European Super League laakiin waxa ay ka tageen kooxo badan oo taariikhd leh.

Kooxaha Bayern Munich, Borussia Dortmund & Paris Saint-Germain ayaa la filayaa in ay ku biiraan tartanka hadii uu sii socdo tartanku waliba la joojin waayo.

Laakiin waxa jira koxoo badan oo reer yurub ah waliba taariikh weyn leh oo laga reebay tartanka waliba aan ka qayb gali doonin ciyaaristiisa wax walba oo dhaca.

Kooxaha reer Portugal ee Benfica, Fc Porto iyo Sporting Lisbon ayaa ka mid ah kooxaha reer Portugal ee laga reebay tartanka sidoo kale kooxaha Ajax iyo PSV Eindhoven sidoo kale kooxda Feyenoord ayaa ka mid ah kooxaha laga reebay.

Kooxaha Red Star Belgrade, Celtic, Steaua Bucharest, Dynamo Kyiv, Shakhtar Donetsk, Olympiacos, Panathinaikos & Ferencvaros ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha laga reebay tartanka.

Sidoo kale kooxaha haatan ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub 5-ta horyaal ee ugu waaweyn ee Sevilla, Roma, Napoli, Lazio, Marseille, Lyon & RB Leipzig ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha laga reebay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*