Kooxaha Sida Rasmiga Ah Isaga Xaadiriyay 8 Dhamaadka Europa League.

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega 16-ka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan iyada oo ay 8 kooxood isugu soo hadheen wareega xiga ee tartanka.

Tartanka Europa League ayaa dhankiisa leh xiiso gaar ah iyada oo kooxda ku guulaysata ay si Toos ah uga soo qayb gali doonto tartanka champions League.

Waxa tartanka si lama filaan ah looga reebay kooxda Tottenham kuwaas oo guuldaro kala kulmay kooxda Dinamo Zagreb kadib markii ay ku garaaceen 3/0.

Dhanka kale Man United ayaa reebtay kooxda Ac Milan halka ay Arsenal u soo baxday wareega xiga inkasta oo ay guuldaro kala kulantay kooxda Olympiaco.

Kooxaha isugu soo hadhay tartanka 2 koox waxa ay matalayaan England, 2 kale waxa ay Matalayaan Spain kuwaas oo ah kooxaha ugu badan ee hal dal ka wada socda.

Hadaba halkan hoose kaga bogo 8 kooxood ee iska xaadiriyay wareeega 8 dhamaadka Europa League:

Ajax (NED)

Arsenal (ENG)

Granada (ESP)

Dinamo Zagreb (CRO)

Manchester United (ENG)

Roma (ITA)

Slavia Praha (CZE)

Villarreal (ESP)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*