Xiddigaha Premier League Oo Ogolaaday Wado Lagu Dhamaystiri Karo Premier League

Xiddigaah horyaalka Premier Leage ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaadeen in ay bilaa taageerayaal ku ciyaaraan kulamada horyaalka premier League xili ciyaareedkan si loo dhamaystiro xilli ciyaareedka.

Horyaalka premier League ayaa la joojiyay ilaa 30 April wakhtiga ugu soo horeeya sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus.

Horyaalka ayaa wakhtiga tartan la gali doona si loo dhamaystiro inkasta oo dib loo dhigay tartanka Euro 202 si loo dhamaystiro xilli ciyaareedyada horyaalada kala duwan.

Xiddigaha ayaa markii hore ka soo hor jeeday in ay ku ciyaaraan garoono bilaa taageerayaal ah laakiin xidhiidhka xiddigaha ee PFA ayaa sheegay in ay xiddiguhu haatan aqoonsadeen in ayna jirin wado kale.

Sidaas darteed horyaalka premier League ayaa haatan qaybta dhiman lagu ciyaari doonaa bilaa taageerayaal si deg-deg loogu dhamaystiro xilli ciyaareedkan ka hor inta aan la bilaabin xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

Tartanka premier League ayaa haatan la filayaa in uu bilowdo todobaadka ugu horeeya ee bisha May hadii ayna waxyabo kale soo bixin.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*