Kooxaha Premier League Ee Tartamada yurub Ciyaaraya & Ciyaareedkan Oo Wakhti Dheeraad Ah La Siin Doon.

Kooxaha Manchester United, Manchester City, Chelsea & Wolves ayaa la filayaa in wakhti dheeraad ah oo fasax ah la siiyo waliba wakhti dambe bilaabaan xilli ciyaareedka hadii ay gaadhaan wareegyada dambe ee tartamada yurub.

Kooxahaaas premeir League ayaa heli doona 30 maalin oo fasax ah ka hor inta ayna dib u bilaaban xilli ciyaareedka dambe hadii ay gaadhaan Finalka tartamada yurub.

Arintaas ayaa looga hadli doonaa kulanka 20-ka kooxood la qaadan doonaan maamulka premier League ee dhici doona 6 bisha August.

Hadii arinta la isku raaco kooxaha Man City, Chelsea iyo Wolves hadii ay gaadhaan finalka tartamada champions league iyo Europa League oo la ciyaari doono dhamaadka bisha August waxa ay ciyaari doonaan horyaalka 22 bisha Spetember 10 maalin kadib marka uu horyaalku si rasmi ah u bilowdo.

Sii Akhriso: Dowlada Somaliya Oo U Jawaabtay Beesha Caalamk-ka kadib Dhaleecayn uga Timid

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*