Kooxaha Premier Leageu Oo Suuqii January Galiyay Lacagtii Ugu Yarayd Muddo 9 Sano Ah.

Kooxaha premier League ayaa kaliya 70 milyan oo euro galiyay suuqii January si ay ula soo saxiixdaan xiddigo cusub iyada oo ay sababa u ahayd saamaynta xanuunka Korona.

Suuqa January 2021 ayaa ahaa suuqii ay kooxaha premier League galiyeen lacagtii ugu yarayd tan ilaa suuqii January 2012.

Kooxaha premier League ayaa kaliya suuqa galiyay lacag dhan 70 milyan oo euro taas oo midii ugu yarayd tan ilaa suuqii January 2012 markaas oo suuqa la galiyay kaliya 60 milyan oo euro.

Xiddiga kooxda Man United ee Amad Diallo ayaa ah saxiixii ugu qaalisanaa suuqii January isaga oo Red Devils ugu soo biiray lacag dhan 37 milyan oo euro halka uu xiddiga kooxda Aston Villa ee Morgan Sanson yahay xiddiga 2-aad ee ugu qaalisanaa suuqii January isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 25 milyan oo euro.

Inta badan kooxaha premier Leageu ayaa sameeyay saxiixyo amaah ah maadama aanay jirin kooxo lacag badan suuqa galin kara.

Premier League: estimated January spending.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*