Kooxaha Kulamada Ugu Badan Shabaqooda Ilaashaday Premier League & Kooxaha Goolasha Ugu Badan Laga Dhaliyay Xilli Ciyaareedkan.

Waxa si Rasmi ah loo galay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka premier League iyada oo horyaalku marayo meeshii ugu xiisaha badnayd taariikhdiida.

Ku guulaysiga koobka ayay kooxo badan isku baacsanayaan halka ayna jirin wali koox la odhan karo way ugu cad-cadahay ku guulaysiga horyaalka.

Dhanka kooxaha ugu difaaca fiican hadii aan ka hadlano kooxda Man City ayaa ah xilli ciyaareedkan kooxda ugu difaaca fiican ilaa haatan.

Man City ayaa shabaqeeda ilaashatay 13 ka mid ah 17 kulan oo ay ciyaartay horyaalka premier League iyaga oo laga dhaliyay kaliya 13 gool.

Kooxda Aston Villa ayaa ku xigta iyaga oo shabaqooda ilaashaday 10 kulan halka laga dhaliyay kaliya 16 gool halka Tottenham shabaqeeda ilaashatay 8 kulan lagana dhaliyay 17 gool.

Kooxda Arsenal oo kulamadii ugu dambeeyay wacdaro dhigaysa ayaa shabaqeeda ilaashatay 7 kulan halka laga dhaliyay 21 gool.

Liverpool iyo Man United ayaa shabaqooda min 6 kulan ilaashaday waxana laga dhaliyay 21 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan halka chelsea shabaqeeda ilaashatay 7 kulan lagana dhaliyay 21 gool.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*