Kooxaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Horyaalka Premeir League Ilaa Haatan

Premier League ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxaha ka qaybta ah ku jiraan qaab ciyaareedyo kala duwan iyada oo ay kooxo dhibaatoonayaan kooxo kalena qaab ciyaareed xun ku jiraan.

Dhanka gool dhalinta waxa jira kooxo ku dhibaatoonaya gool dhalinta halka ay kooxo kale dhaliyeen goolal badan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan ah kooxda goolasha ugu badan dhalisay horyaalka premier League iyaga oo dhaliyay 36 gool.

Kooxda chelsea ayaa ku xigta iyaga oo dhaliyay 29 gool laakiin kaliya hal gool ka dambeeya kooxda Man United oo dhalisay 28 gool.

Kooxda Leicester City ayaa ku xigta oo dhalisay 26 gool iyaga oo hal gool ka horeeya kooxaha Everton, Southampton Iyo Tottenham kuwaas oo dhaliyay min 25 gool.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Kooxaha Goolasha ugu badan dhaliyay horyaalka premier League:

  1. Liverpool: 36 gool
  2. Chelsea: 29
  3. Man United: 28
  4. Leicester City: 26
  5. Everton: 25
  6. Southampton: 25
  7. Tottenham: 25
  8. Aston Villa: 24
  9. Leeds United: 24
  10. West Ham: 21
  11. Crystal Palace: 19
  12. Man City: 19
  13. Brighton: 17
  14. Newcastle United: 17
  15. Wolves: 14
  16. Fulham: 13
  17. Arsenal: 12
  18. West Brom: 10
  19. Burnley: 8
  20. Sheffield United: 8

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Khalad Oo Uu Ninku Ka Galo Xaaskiisa Kulanka Sariirta, Iska Ilaali Ninow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*