
Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u noqotay kooxda ay dhaawacyada sida xun u dhaaweceen xilli ciyaareedkooda marka loo bar-bar dhigo 20-ka kooxood ee horyaalka premier League xili ciyaareedkan.
Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool ayaa dhaawacyo ku wayday xiddigeheeda 1,032 maalin tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan 2020/2021.
Daafaca Liverpool ee Andy Robertson aaa sheegay in ayna jirin koox ka kabsan lahayd dhaawacyada Liverpool soo gaadhay xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa aad uga fog kooxda ugu dhaw liiska dhaawacyada iyada oo kooxda Crystal Palace ku jirto kaalinta 2-aad ee dhaawacyada iyaga oo xiddigaha dhaawac ku waayay 864 maalin iyaga oo ka dambeeya Liverpool 168 maalin.
Kooxda Newcastle United ayaa ku jirta kaalinta 3-aad iyaga oo xiddigohooda dhaawac ku waayay 763 maalin tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.
Hadaba halkan hoose Kaga Bogo Liiska 20-ka kooxood iyo maalmaha ay dhaawacyada ku waayeen xiddigaha:
Kooxda | Maalmaha Ay Xiddiguhu Dhaawac Ku Seegeen |
---|---|
Liverpool | 1,032 Maalin |
Crystal Palace | 864 |
Newcastle | 763 |
Southampton | 711 |
Sheffield United | 686 |
Leicester | 683 |
Burnley | 673 |
Man City | 606 |
Leeds | 564 |
Brighton | 560 |
West Brom | 557 |
Everton | 540 |
Man United | 496 |
West Ham | 473 |
Tottenham | 436 |
Wolves | 431 |
Aston Villa | 428 |
Fulham | 416 |
Arsenal | 357 |
Chelsea | 279 |
Be the first to comment