Kooxaha Ay VAR Saamaynta Ugu Badan Ku Yeelatay Premier League Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray

Caawiyaha Garsooraha ee “VAR” ama “Video Asistan Refree” ayaa muran badan ka dhaliyay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii uu sameeyay go’aano badan oo khalad ah kooxo badana saamayn ku yeeshay.

waxa jira kooxo badan oo ka faa’iiday Go’aanada VAR ee xilli ciyaareedkan halka ay jiraan kooxo badan oo uu si weyn u dhaawacay xilli ciyaareedkooda.

Kadib markii ilaa haatan la ciyaaray 8 kulan oo xilli ciyaareedka premier League ah waxa la soo saaray warbixin muujinaysa sida ay VAR kooxaha Premier League u saamaysay.

Kooxaha Everton iyo Sheffield United ayaa ah labada kooxood ee sida weyn uga faa’iiday VAR xilli ciyaareedkan iyaga oo ka helay 3 dhibcood oo muhiim ah.

Kooxda Southampton ayaa dhankooda 2 dhibcood ka helay halka kooxaha Arsenal, Aston Villa, Leicester City, Man City, Newcastle iyo West Ham min hal dhibic ka heleen.

Kooxda uu sida xun u sameeyay VAR ayaa ah Liverpool iyada oo VAR ka jirtay 4 dhibcood oo dhan halka uu Tottenham ka jaray 2 dhibcood sidoo kale Fulham ka jaray laba dhibcood.

Kooxaha Brighton, Chelsea, Leeds, Man United iyo West Brom ayuu dhankooda min hal dhibic ka jaray kadib markii VAR la adeegsaday.

Kooxaha Wolvaes, Crystal Palace iyo Burnley ayaa ah kaliya 3-da kooxood ee aanay wax saamayn ah ku yeelan go’aanada VAR ee xilli ciyaareedkan.

  1. Everton +3
  2. Sheffield United +3
  3. Southampton +2
  4. Arsenal +1
  5. Aston Villa +1
  6. Leicester +1
  7. Man City +1
  8. Newcastle +1
  9. West Ham +1
  10. Burnley 0
  11. Crystal Palace 0
  12. Wolves 0
  13. Brighton -1
  14. Chelsea -1
  15. Leeds -1
  16. Man United -1
  17. West Brom -1
  18. Fulham -2
  19. Tottenham -3
  20. Liverpool -4

Kooxda.com ayaa xusaysa in saamaynta ay VAR ku yeelan karto ciyaarta tahay in gool koox laga diido, in rikoodhe lagu dhigo, in kaadh cas lagu bixiyo iyo wixii la mid ah.

4 Comments

  1. Kalay wolves sawti habeenki leister goalkay hogaanka kuhayso faar loosoo eegay anagadaya beenta waxba masshegaysane shalaye hhhhhh

  2. Sheffield united 3 dhibcood maba leho kooxda dhan waxay leeyihiin hal dhibic takale kooxaha ka faaiiday waa man utd iyo Liverpool ee ma waxad doontan ayaa noo sheegaysaan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*