Kooxaha Ay Liverpool Ku Aadi karto Wareega 8 Dhamaadka Champions League.

Waxa si Rasmi ah loo dhamaystiray wareega 16-ka champions league waxana la xaqiijiyay 8-da kooxood ee iska xaadirisay wareega Xiga ee tartanka ugu tunka weyn yurub.

Kooxda Liverpool ayaa haatanba ogaatay kooxaha ay ku aadi doonto wareega 8 Dhamaadka champions League kadib markii ay booskooda xaqiiqsatay.

Inkasta oo ay dhibaatoonayso horyaalka premier League hadana Liverpool ayaa si xarago leh isaga xaadirisay wareega 8 Dhamaadka champions league xilli ciyaareedka.

Laakiin Liverpool ayaa haatan sugaysa in ay ku aado kooxo adag oo champions League ah marka la samayn doonon isku aadka wareega 8 Dhamaaadka champions League.

Wareegan ma jiraan kala ilaalinta kooxaha isku dalka ah sidaas darteed Liveroool ayaa ku aadi karta dhamaan 7-da kooxood ee ku jira tartanka champions league.

Sidaas darteed Liverpool ayaa ku aadi karta kooxaha chelsea, Man City, Real Madrid, Fc Port, Borussia Dortmund, PSG ama Bayern munich wareega 8 dhamaadka.

Hadii aad tahay taageerahaa Liverpool kooxdee jeceshahay in aad ku aado Fikirkaaga waa muhiim?.

12 Comments

  1. Wxn layabanahay tageere kasta Porto ayey raban iyo BVB bal aynu aragno kooxda ku dhacdaan.
    Aniga wxn la jeclahay city,bayern ama PSG.hadii 3dax Daan ku adi weyso Dortmond

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*