Kooxaha Aan Wax Guuldaro Ah La Kulmin 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Ilaa Haatan Xilli Ciyaareedkan.

Horyaalada qaarada yurub ee ugu waaweyn ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray kulamo waxoogaa ah oo kala duwan maadama ay horyaaladu kala hor bilowdeen xilli ciyaareedka.

Waxa ay ka simanyihiin ayaa kooxo aan wali wax guuldaro ah la kulmin kulamadii ilaa haatan la ciyaaray horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub xilli ciyaareedkan.

Waxa jira 7 kooxood oo ka dhisan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub kuwaas oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedkan horyaaladooda kala duwan.

Kooxda ugu horaysa ayaa ah Liverpool kuwaas oo ciyaaray 7 kulan xilli ciyaareedka premier League laakiin aan wax guuldaro ah la kulmin iyaga oo 4 kulan badiyay 3 kalena bar-baro galay.

Waxa ku xigta kooxda Villarreal taas oo aan horyaalka La Liga ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin iyada oo ciyaartay 7 kulan isla markaas badisay 2 kulan 5 kalena bar-baro galay.

Kooxaha Serie A-da ee Napoli, Ac Milan iyo Inter Milan ayaa ku xiga iyaga oo ciyaaray min 7 kulan iyada oo Napoli badisay 7-dii kulan ee ay ciyaartay halka Ac Milan 6 kulan badisay hal kulana bar-baro gashay xilli kooxda difaacanaysa horyaalka ee Inter badisay 5 kulan laba kalena bar-baro galay.

Kooxda Horyaalka Bundesliga ee Hertha BerlingĀ  ayaa ah kooxda aan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka Bundesliga kadib 7 kulan oo ay ciyaareen.

 

2 Comments

    • B.Dortmund meesha kuma jirto marka aad dheheyso iska saxa marka hore si fcn aqri kadib wiki qaladaad ah kasheeg meesha jaahilnimadane iska dhaaf

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*