Kooxaha 5-ta Horyaal Ee Waaweyn Uga Qayb Gali Kara Champions League Hadii Ay Kooxaha waaweyn Samaystaan tartaka European Super League

Waxa wargaysyada adduunka ka faalooda kubada cagta haysta hadal haynta tartanka European Super League ee ay ku midoobeen kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub waliba doonayaan in ay ka goostaan tartanka champions League.

Shabakada Whoscored ayaa soo saartay kooxaha ka qayb gali doona tartanka champions league hadii ay kooxaha waaweyn ee ku midoobay tartanka European Super League kaga dhabeeyaan oo ay ka goostaan champions League.

European Super League ayaa lagala hor yimid diidmo adag iyada oo taageerayaasha, tababaryaaasha iyo waliba xidhiidhadu hal meel uga soo wada hor jeesteen bilaabashada tartanka European Super League.

Hadaba waxa dhici karta in qorshaha kooxaha ugu waaweyn horay u socdo oo ay waliba kaligood ku midoobaan tartanka European Super League isagana baxaan tartanka champions League.

Shabakada Whosecored ayaa shaacisay kooxaha 5-ta horyaal ee ugu waaweyn uga qayb qaadan doonta champions League hadii ay dhacdo in ay Kooxaha waaweyn ka baxaan champions League.

Premier League: Leicester, West Ham, Everton, Leeds

La Liga: Sevilla, Villarreal, Betis, Sociedad

Serie A: Atalanta, Napoli, Lazio, Roma

Bundesliga: Bayern, Leipzig, Wolfsburg, Frankfurt

Ligue 1: Lille, PSG, Monaco.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*