Koox Weyn Oo Reer Yurub Ah Oo Ku Dhaw Saxiixa Dayot Upamecano, Man United, Chelsea, Liverpool Mise…?

Daafaca aadka loo qiimeeyo ee Dayot Upamecano ayaa u muuqda mid ku dhaw in uu isaga tago kooxda RB Leipzig inta lagu jiro suuqa January ee bishan.

Xiddiga oo ka mid ah daafacyada u soo kacaya kubada cagta ayaa lala xidhiidhinayay kooxaha Man United, Chelsea iyo Liverpool kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga.

Laakiin wargayska Sports Mole ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Bayern Munich wadahadalo horumar leh kula jirto kooxda RB Leipzig si ay u hesho saxiixa xiddiga Dayot Upamecano.

Kooxda RB Leipzig ayaa xiddiga Upamecano ku qiimaysa lacag dhan 42 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burinayo heshiiskiisa.

Bayern ayaa doonaysa in ay xiddiga Upamecano ku xoojiso daafaceeda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka iyaga oo doonaya in ay saxiixiisa ku garaacaan kooxaha premier League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Maxay Gabadhu Ka Filaysaa Gacaliyeheeda Kadib Guurka, Ku Dadaal Ninow

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*