Koox Reer Yurub Ah Oo Wadahadalo La Bilowday N’Golo Kante.

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kante kaas oo ay doonayso saxiixiisa suuqa kala iibsiga January.

Xiddiga reer France ayaa galay bilihii ugu dambeeyay ee heshiiskisa kooxda chelsea waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Milkiilaha cusub ee chelsea Todd Boehly ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga Kante laakiin 31 jirkan ayaa doonaya heshiis ka badan 2 sano hadii uu sii joogayo Stamford Bridge.

Sida laga soo xigtay 90Min, PSG ayaa hadda la xiriirtay wakiillada Kante si ay ugu qanciyaan ku biirista kooxda ka dhisan caasimada sanadka cusub ee 2023 iyada oo tababarhaa PSG si gaar ah u dalbaday xiddiga.

Kante ayaa muhiim ka ahaa kooxda chelsea sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kooxda kula guulaystay champions League iyo waliba premier League intii uu joogay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*