Koox Reer Yurub Ah Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Sergio Ramos.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda PSG doonayso saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos.

Waxa uu ilaa haatan shaki weyn ku jiraa mustaqbalka Sergio Ramos ee Real Madrid iyada oo uuna xiddigu heshiis cusub wali u saxiixiin xilli uu heshiiskiisa haatan dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay kaliya xiddiga u soo bandhigto heshiis hal sano ah halka uu xiddigu doonayo in uu kooxda kaga fadhiisto ciyaaraha.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay kooxda PSG Diyaar u tahay in ay heshiis 3 sano ah miiska u saarto daafaca taas oo xiddiga siinaysa heshiiska uu doonayo.

Sidoo kale kooxda PSG ayaa daafaca reer Spain si Rasmi ah miiska ugu saartay mushahar aad u sareeya kana dhigaysa daafacyada ugu mushaharka badan taariikhda kubada cagta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*